4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 23, 2021
Shirkada FlyDubai oo joojinaysa duulimaadyadii ay ku iman jirtay Hargaysa
 

Sabti, October, 23, 2021 (HOL) - Shirkada diyaaradaha FlyDubai ee laga leeyahay dalka Imaaraatka Carabta, ayaa go'aansatay in ay joojiso duulimaadyadii todobaadkiiba 3 cisho ay ku iman jirtay magaalada Hargaysa, kadib markii xukuumada Somaliland u sheegtay in ay safaradeeda 2 cisho kusoo koobto.

Mareeyaha Hay'ada Duulista iyo Madaarada Somaliland Cumar Sayid Cabdillaahi, ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in shirkada FlyDubai, ay go'aansatay in ay joojiso gabi ahaanba duulimaadyadeedi Hargaysa kadib markii, xukuumada Somaliland ay ku amartay in ay yarayso duulimaadyadeeda.

"Madaama oo jilaal lagalay oo rakaabku hoos u dhacayo, waxaanu dib u qaabaynay duulimaadyadii, waxaanu siinay shirkada FlyDubai laba duulimaad, sidookale waxaanu siinay shirkada AirArabia laba duulimaad, Daallo na laba duulimaad, laakiin shirkada FlyDubai ayaa nagu soo celisay in madaama aad laba duulimaad nasiiseen in aanu duulimaad yadii joojin doono, waa go'aan iyaga u gaara" ayuu yidhi maareeyuhu.

Maareeyaha ayaa sheegay in xukuumada Somaliland anay  shirkada ka joojin duulimaad keeda marka laga reebo in ay usoo jeedisay in ay dhinto safaradeeda.

"Waxan halkan ka sheegayaa in Hay'ada Madaaraha iyo Duulista Somaliland iyada oo ka wakiilada dowlada Somaliland anay wax duulimaadyo ah ka joojin shirkada FlyDubia, garoomada Jamhuuriyada Somaliland waxay u furanyihiin dhamaan shirkadaha caalamiga ah iyo kuwa muxaliga ah, lakiin taasi nooma diidayso in duulimaadyada qaar dib loo eego" ayuu yidhi maareeyuhu.

Dhamaan shirkada kale ee ka howlgala madaarka Cigaal ee Hargaysa ayaa aqbalay dhimista lagu sameeyay safaradooda marka laga reebo FlyDubai sida uu maareeyuhu sheegay.

 

Abdilahi Abdirahman Mohamed, Hiiraan Online
[email protected]