4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 23, 2021
Dagaal Culus oo goordhaw ka bilaawday degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud
 

Sabti, October, 23, 2021 (HOL) - Wararka haatan naga soo gaaraya degmada Guriceel ee gobolka galgaduud ayaa sheegaya in halkaasi goordhaw uu ka biloowday dagaal u dhaxeeya ciidamada dowlada Fedaraalka iyo kuwa maamulka Galmudug oo dhinac ah iyo ciidanka  Ahlu Sunna Waljameeca.

Dagaalkan ka socda degmada Guriceel ayaa lasoo warinayaa in xoogiisa uu ka socdo dhinaca Waqooyi ee degmada Guriceel, kaaso la isku adeegsanaayo hubka noocyadiisa kala duwan.

Dagaalkan ayaa yimid kadib markii ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Galmudug ay xalay waqtigii dambe gudaha u galeen qeybo ka mid ah gudaha degmada Guriceel ee gobolka galgaduud.

Guddoomiyaha degmada Guriceel Anas Cabdi Macalin oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ay la wareegeen inta badan gacan ku heynta magaalada Guriceel.

Wali si rasmi ah looma oga khasaaraha ka dhashay dagaalkan saaka qarxay degmada Guriceel, waxaana Magaalada horay uga barakacay inta badan dadkii daganaa, kuwaasi oo aaday deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud si ay uga fogaan waxyeelada dagaalka maanta ka qarxay Guriceel.

lasoco waxii kusoo kordha wararkan.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]