4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 22, 2021
Askari katirsan ciiddanka dowladda oo wiilkiisa ku dilay magaalada Muqdisho
 

Jimco, October, 22, 2021 (HOL) - Askari katirsan ciiddanka dowladda Soomaaliya, ayaa xalay wiilkiisa ku dilay magaalada Muqdisho, kaddib markii uu soo kala dhex galay muran qoyska dhexdiisa ah, sida ay sheegeen goob joogayaal ah.

Dilkaan oo ka dhacay xaafad isku raran ah oo ah ku taalla aagga isbitaalka Digfeer, ayaa Aabbuhu u dilay wiilkiisa, si uu xalliyo khilaaf soo kala dhex galay isaga iyo xaaskiisa oo ahayd wiilka eedadiis.

Dad goob joogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in Aabbuhu dilka ka hor uu ka dalbaday wiilkiisa in uu ka guuro guriga ay wada deganaayeen muddo, arrintaas oo ahayd dalab ka yimid xaaskiisa.

Odayaasha xaaafadda ayaa sheegay in khilaafka qoyskan uu muddo soo jiitamayay, kaasoo maaro loo waayay, arrintaas oo ugu dambayn sababtay in Aabbihii uu sidaas ku qaarajiyo wiilkiisii.

“ Xalay todobo saac ayay xaasku wacday odeyga, waxayna ku tiri, “kaalay ii imow, wiilkaagii ayaa albaabka igu garaacaya. Wuu yimid asagoo hub wata. kadibna xabbad ku furay wiilkiisa," sidaasi waxaa yiri mid kamid ah odayaasha xaafaddda.

Ciiddanka amniga ayaa xiray eedeysanaha oo aan ka tegin goobtii la sheegay inuu wiilkiisa ku dilay oo ahayd xaafaddiisa horteeda, waxaana loo taxaabay xabsiga.

 

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online