4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 22, 2021
Midowga Afrika oo tababar ku saabsan la-dagaallanka xagjirnimada u qabatay booliiska Koonfur galbeed
 

Jimco, October, 22, 2021 (HOL) - Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa sheegay inay bilaabeen barnaamij tababar ah oo kor loogu qaadayo tayada saraakiisha booliska Soomaaliyeed si ay ula dagaallamaan weerarada Alshabaab.

Tababarkan oo ay soo qabanqaabisay qeybta booliska AMISOM ayaa lagu hagi doonaa saraakiisha Booliska Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed sida looga hortago falalka argagaxisada, isdhaafsiga xogta, baadi goobka iyo u gacan gelinta dadka looga shakiyo argagixisnimada.

Bisong Ejue, oo ah ku -simaha sarkaalka isku -duwaha booliska AMISOM ee Baydhabo, ayaa sheegay in la -dagaallanka argagixisada iyo ilaalinta bulshooyinka ay weli tahay mudnaanta koowaad.

Illaa 25 askari oo boolis ah oo ka kala yimid saldhigyo boolis oo kala duwan oo ku yaalla dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa tababarkan uga qeybgalaya magaalada Baydhabo ee maamulka Koonfur galbeed.

Amiin Maxamed Cismaan, Taliyaha Booliska Gobolka Baay, ayaa sheegay in koorsadan ay sare u qaadi doonto awoodda Booliska Koofur Galbeed si ay ula dagaallamaan argagixisada gobolka.

"Guud ahaan, tababarku wuxuu ku saabsan yahay la -dagaallanka argagaxisada iyo doorka ay bulshadu ku yeelan karto feejignaan. Ujeeddada ugu weyn ee tababarku waa sidii booliska iyo bulshada ay isaga kaashan lahaayeen la -dagaallanka argagixisada," ayuu yiri Cusmaan.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online