4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 22, 2021
Dowladda Serbia oo oggolaatay in dalkeeda lagu tegi karo Baasaboorka Soomaaliya
 

Jimco, October, 22, 2021 (HOL) - Dowladda Serbia ayaa ka mid noqotay waddamadda reer Yurub ee lagu tegi karo Baasaboorka Soomaaliya, sida ay shaacisay hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya.

Hay’adda socdaalka ayaa sheegtay dadaal dheer oo ay sameeyeen wasaaradda arrimaha dibadda iyo hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, uu dhaliyay in dowladdo badan ay ogolaadeen in Baasaboorka Soomaaliya lagu geli karo dalalkooda.

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka ah Soomaaliya ee Belgrade Serbia, ayaa si rasmi ah u gudbisay Muunadda saxda ah ee Baasaboorka Soomaaliya.

Kaaliyaha Wasiirka arrimaha Dibadda ee dhinaca Qunsuliyadaha Marwo Vera Vukićević oo ay weheliso Ku-xigeenkeeda Marwo Mirjana Živković ayaa Safaaradda ka gudoomay Muunadda saxda ah Baasaboorka Soomaaliya seddexdiisa nooc.

Hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowladda Federalka ah ee Soomaaliya ayaa u mahad celisay Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka ah Soomaaliya ee Belgrade iyo Diplomaasiyiinta howshan fududeeyay.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online