4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 22, 2021
Dowladda Uganda oo shaacisay in maxkamadaynayso Askartii AMISOM ee dadka ku laayay Golwayn
 

Jimco, October, 22, 2021 (HOL) - Dowladda Uganda ayaa shaacisay in ay maxkamadaynayso askartii AMISOM ee toddobada qof ee rayid ah ku dilay tuulada Golweyn gobolka Shabeeladda hoose.

Go’aankan ayaa yimid kadib markii Guddiga Baaritaanka AMISOM (BOI) ay baaritaanno ku sameeyeen dhacdadan, taasoo lagu ogaaday in ciiddanka AMISOM uu si bareer ah u laayay dadka shacabka ah ee Soomaaliyeed.

“AMISOM waxay la xisaabtami doontaa askarta ku lugta leh falkan, si loo hubiyo in caddaaladda loo adeego sida uu ku taliyay guddiga baaritaanka,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Taliska ciidanka Uganda.

Dowladda Uganda waxay sheegtay in maxkamadaynta askartan ay ka dhici doonto gudaha Soomaaliya.

Sidoo kale, dowladda Uganda waxay shaacisay inay la xiriirayso qoysaska dadka la laayay, si ay ugala hadlaan sidii Mag looga siin lahaa dadkii laga dilay.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online