4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 21, 2021
Guddoomiye Faysal Cali Waraabe iyo wasiir Cabdillahi Abokor oo heshiiyay
 

Khamiis, October, 21, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe iyo wasiirka howlaha guud ee Somaliland Cabdillaahi Abokor Cismaan, ayaa maanta ka heshiiyay khilaafkii soo kala dhexgalay kadib markii, uu arrintooda ka odayeeyay xildhibaan Jaamac Maxamed Cabdi (Jaamac Macaf) oo ka tirsan golaha deegaanka ee Berbera.

Jaamac macaf ayaa ku dhawaaqay heshiiska ay gaadheen labada masuul, wuxuuna sheegay in uu isagu isku xilqaamay heshiisiintooda, inkasta oo labada masuul oo Macaf hareeraha ka fadhiyay midna aanu ka hadlin heshiiska.

"Maanta oo aanu joogno magaalada Hargaysa, waxaa hareerahayga fadhiya guddoomiye Faysal Cali Waraabe iyo wasiirkii howlaha guud Cabdillaahi Abokor, si iskay ah ayaan iskugu xilqaamay in aan khilaafkii yaraa ee soo kala dhex galay xalino, wayna islaab xaadheena" ayuu yidhi Jaamac macaf.

Jaamac macaf ayaa heshiiska iyo is laab xaadhashada ku tilmaamay waxyaabaha ay Somaliland caalamka qaarkii kaga duwantahay.

"Dadka reer Somaliland waxan u sheegayaa, dadkeena siyaasiyiinta ahi waxyaabaha ay dunida kale kaga duwanyihiin weeyaan, waxkasta haday dhexdooda ka dhacaan si wanaagsan oo gobonimo ah ayay u dhamaystaan" ayuu yidhi Jaamac macaf.

Guddoomiye Faysal iyo wasiir Cabdillaahi Abokor, ayaa maalmihii lasoo dhaafay warbaahinta isku marinayay eedo uu mid ba midka kale u jeedinayo, iyadoo Faysal uu wasiirka ku eedeeyay musuq-maasuq halka wasiir Abokor na uu sheegay in uu dacwad maxkamadeed ka gudbinayo guddoomiyaha.

Abdilahi Abdirahman Mohamed, Hiiraan Online
[email protected]