4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 21, 2021
Wasiir Cabdiwahab oo khudbad ka jeediyay shirka wasiirrada IGAD oo Jabuuti lagu soo gabagabeeyay


Khamiis, October, 21, 2021 (HOL) - Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Mudane Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif ayaa wasiirrada IGAD ee Shaqada ku boorriyay sida ay muhiim u tahay helida siyaasaddo  xooggan oo door ka qaadanaya caqabadaha shaqo la’aan ee gobolka.

Wuxuu hadalkan sheegay, isagoo khudbad ka jeedinaya shirka wasiirrada Shaqada ee waddamada urur-gobolleedka IGAD oo maanta lagu soo gabagabeeyay caasimadda Jabuuti. Saddex maalin oo shirka socday waxaa diirrada la saaray shaqada, shaqo abuurka iyo hannaanka lagu gaarayo isu socodka shaqada ee muwaadiniinta gobolka.

“Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshadu waxay diyaarisay Siyaasadda Shaqaalaynta Qaranka (NEP) taasoo muujinaysa sida ay uga go’an tahay Dowladda Soomaaliya inay shaqada ka dhigato xuddunta qorshaha horumarineed.” ayuu yiri.

“Intaa waxaa sii dheer, haddii aan rabno inaan gaarno xallinta caqabadaha shaqada iyo socdaalka shaqaalaha, waa inaan sameynaa waxaan ognahay inay shaqeynayso taasina waxay dejineysaa istiraatiijiyad habboon, siyaasado iyo habraac hawlgal oo gacan ka geysanaya yareynta saboolnimada, u abuuraya fursadaha hab -nololeedka shaqaalaha gudaha iyo heer gobol labadaba.” ayuu ku daray wasiir Cabdiwahaab.

Wasiirka oo ka  hadlay isu-socodka Shaqaalaha , ayaa sheegay  Wasaaraddu inay  dejisay siyaasadda socdaalka Shaqada , taa  oo ay ansixiyeen golaha wasiirradu.

Gabagabadii, Wasiirrada Shaqada ee dalalka IGAD waxay si wadajir ah u saxiixeen baaqa Shaqada, Shaqaalaha iyo isu socodka Shaqada.

Iman Jama, Hiiraan Online