4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 21, 2021
Maxaa kasoo kordhay wadahadalada ka socda Villa Somalia?
 

Khamiis, October, 21, 2021 (HOL) - Kulamo soo bilowday xalay fiidkii ayaa ilaa maanta oo khamiis ah kasii socda Madaxtooyada Soomaaliya kuwaas oo la isku dayayo in xal looga gaaro khilaafka u dhaxeeya madaxweynaha & Ra'iisul Wasaaraha ee soo bilowday horraantii bisha Sebtembar.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo Maalmahan ku sugnaa Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka ayaa hormuud ka ah kulamadaan lagu soo afjarayo khilaafka Madaxweynaha iyo Ra'isul Wasaaraha Xukuumada.

Qodobada ugu adag ee wali doodu ka taagantahay ayaa la rumeysanyahay iney yihiin Magacaabista Taliyaha KMG ah ee nabadsugidda Bashiir Goobe iyo Wasiirka Amniga C/laahi Maxamed Nuur, kuwaas oo uu diidanyahay Madaxweyne Farmaajo.

Sido kale waxaa dood adag ka taagantahay qaabka loo wajahyo kiiska Sarkaalad ikraan Tahliil oo ka tirsaneyd Hay'adda Nabadsugidda, iyadoo galdacwadeed ay gudbisteen qoyska ikraan uu ku jiro Agaasimiha xilka laga qaaday ee Nabadsugidda Fahad Yaasiin.

Afhayeenka Madaxweynaha koonfur Galbeed Mohamed Ali Ibrahim oo la hadlayay HOL ayaa sheegay in xalay uu madaxweyne laftagareen ku guulaystay inuu isku keeno Ra'isul wasaare Rooble iyo Madaxweyne Farmaajo, Wuxuu xusay in dood dheer kadib Madaxdu isku afgarteen qodobo wax ku ool ah, iyadoo dib loo balamay in go'gasha la ballaariyo, taas oo uu sheegay iney muujinayso rajo wanaagsan.

Wasiirka Amniga C/llaahi Maxamed Nuur iyo Agaasimaha KMG ee NISA Bashiir Goobe oo labadaba uu magacaabay Ra'iisul Wasaare Rooble ayaa ku biiray kulamada socda, iyadoo aan la xaqiijin inuu shirarkaasi ku jiro Agaasimihii xilka laga qaaday ee NISA, Fahad Yaasiin xaaji Daahir.

Kulankan ayaa ah kii u horreeyay ee fool ka fool ah oo Madaxweyne Farmaajo iyo Wasiirka Amniga C/llaahi Maxamed Nuur ay yeeshaan, tan iyo markii uu Farmaajo si adag u diiday magacaabistii Wasiir C/llaahi.

Waxaa la qorsheynayaa in saacadaha soo socda ay natiijo kasoo baxdo kulamada loogu kala dabqaadayo labada masuul, iyadoo khilaafkooda la rumeysanyahay inuu saameyn ku yeeshay jadwalka doorasho ee dalka oo markii 4aad dib u dhacay.

Yusuf Abdi Shire, Hiiraan Online
Muqdisho - Somalia
[email protected]