4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 21, 2021
Booliiska Hirshabeele oo xiray xoghayihii ururka saxafiyiinta Soomaaliyeed ee SJS Cabdalle Muumin
 

Khamiis, October, 21, 2021 (HOL) - Xoghayihii ururrada Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee SJS, Cabdalle Axmed Muumin, ayaa lagu xiray magaalada Jowhar, waana maalintii labaad oo xiriir ah, oo la xirayo sida ay sheegeen mas’uuliyiinta ururka.

Xoghaye Cabdalle Muumin ayay booliisku xireen xilli uu weriyayaasha u qabanayay seminaar ku saabsan kor u qaadista xorriyadda saxaafadda.

Muumin ayaa bartiisa Twitterka ku soo qoray in askartu ay su’aalo weydiiyeen ka hor inta aysan isku dayin inay xiraan.

Xubnaha SJS ayaa u sheegay HOL in xoghayahooda dib loo xiray isaga iyo mid ka mid ah tababarayaashii aqoon -isweydaarsiga, oo lagu magacaabo Hanad Cali Guuleed.

Ururka Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee SJS, waxa uu cambaareeyay xarigga, waxayna si degdeg ah u dalbadeen in  xorriyadooda dib loogusoo celiyo masuuliyiinta ururka ee xiran.

Warar kale oo aan hadda helayno waxay sheegayaan in sidoo kale booliisku xireen Maxamed Bulbul oo ahaa weriye katirsan Universal tv.

Weriyahan ayaa horey u tebiyay xarriga xoghayaha SJS. 

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online