4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 21, 2021
Uhuru Kenyatta : Soomaali taako kamid ah dhulkeenna kuma wareejinodono
 

Khamiis, October, 21, 2021 (HOL) - Dowladda Kenya ayaa mar kale ku adkeysatay in xuduud -badeedka ay la wadaagto Soomaaliya uu ku socdo xarriiq dhanka bari ah oo laga soo bilaabo halka ay labada dal ku kulmaan ee Badweynta Hindiya.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in aysan Soomaaliya ku wareejin doonin taako ka mid ah dhulkeeda, isagoo iska indho tiray go’aankii maxkamadda ICJ kasoo baxay todobaadkii hore.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo ka qeyb galayay maalinta halganka madax-bannaanida Kenya, ayaa sheegay in Kenya ay sideedii sano ee la soo dhaafay adkeysay ammaankeeda.

Arrintaan waxay ku soo beegmaysaa markii Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ) ay soo saartay xukun ay ku go’aamisay in soohdinta badda ee lagu muransanaa loo xukumay Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay go’aanka ICJ, wuxuuna Kenya ka codsaday inay xushmeyso xukunka Maxkamadda ICJ.

Si kastaba ha ahaatee, Kenya ayaa ka baxday dacwadda ICJ ka hor xukunka, iyadoo ku adkeysatay in maxkamaddu aysan dhexdhexaad ahayn kiiskaan.
 
Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online