4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 21, 2021
Maamulka Jubbaland oo maanta dhameystiraya doorashada kuraasta Aqalka sare
 

Khamiis, October, 21, 2021 (HOL) - Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose lagu soo gabagabeeyo doorashada Kuraasta ka harsaneyd Aqalka sare ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya xubnaha ku matalaya maamulka Jubbaland.

Doorashada maanta dhaceysa ayaa ah afar kursi oo ay ku wada tartami doono ilaa 8 musharax, waxaana laba kursi oo ka mid ah afarta kursi ku tartami doono haween kaliya.

Kursiga koowaad ee doorashada maanta ka dhaceysa Kismaayo waxaa ku tartamaya Leyla Nuur Maax iyo Xareedo Maxamed Sheekh, iyadoo kurasiga labaadna ay ku tartami doonaan labada Musharax ee kala ah Ibraahim Owgaab Cismaan iyo Farxiyo Macalin Cabdi.

kursiga sadaxaad ee doorashada maanta ka dhaceyda Kismaayo waxaa kuwada tartami doona Musharaxiinta kala ah Maryan Faarax Kadiye iyo Samsam Maxamed Bishaar, waxaana afarad oo ah kan ugu dambeeya ku tartami doono Musharaxiinta kala ah Xasan Daahir Yarow iyo Cabdi Xuseen Cali.

Musharaxiinta maanta tartameysa ayaa doorashada ka hor khudbadahooda u jeedin doona Xildhibaanada Baarlamaanka dowlad goboleedka Jubbaland, waxaana intaas kadib la guda geli doonaa doorashada Senatorada oo saacadaha soo socda bilaaban doonta.

Amaanka magaalada Kismaayo ayaa saaka si weyn loo adkeeyay waxaana lagu arkayaa wadooyinka waaweyn ciidamo farabadan oo sugaya amaanka magaalada.

Dowlad goboleedka Jubbaland hadii ay maanta soo dhameystiraan doorashada kuraastan harsan ayaa noqon doona maamulka afaraad ee dhameystira doorashada kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxaana maamuladii horey u dhameystiray ka mid ahaa maamulada Puntland, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]