4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 20, 2021
Xukuumadda Soomaaliya oo shaacisay iney gurmad deg deg ah gaarsiineyso dadka abaaraha saameeyeen ee ku nool Jubbaland
 

Arbaco, October, 20, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kulan la qaatay Wasiirada Maaliyadda, Caafimaadka, iyo wasiiru dowlaha  Xafiiskiisa, waxayna kulanka kaga hadleen sidii loogu gurman lahaa dadka ay saameeyeen abaaraha baahsan ee ka jira deegaano badan oo ka tirsan maamulka Jubbaland.

Raysal wasaare Rooble ayaa sheegay iney go'aan sadeen in si deg deg ah loogu gurmado dadka ay abaartu saameysay, islamarkaana ay ka ka go'an tahay Xukuumadiisa badbaadinta Shacabka Soomaaliyeed.

“Waxa aan xanuunka la qeybsanayaa dadka ay abaaruhu saameeyeen ee ku tabaaleysan Jubaland. Xukuumaddu waxay la gaari doontaa gurmad deg deg ah. Shacabka Soomaaliyeed iyo hay’adaha samafalkana waxaan ugu baaqayaa in ay kaalin ka qaataan sidii loo gargaari lahaa walaalheenna abaarta la il daran” ayuu yiri Raysal Wasaare Rooble.

Waxuu intaasi ku daray Raysal wasaare Rooble in maalinta berito ah ama maalinta ku xigta in gurmad deg deg ah la gaarsiin doono dadka ay saameeyeen abaaraha ka jira deegaanada maamulka Jubbaland, isagoona ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iney ka qeyb qaataan gurmadka loo sameynaayo dadka reer Jubbaland.

Dhawaan ayay aheyd markii uu baaq deg deg ah kasoo saaray madaxweynaha maamulka Jubbaland abaaro daran oo saameyay dadka iyo duunyada ku nool qeybo ka mid ah maamulka Jubbaland, islamarkaana ugu baaqay hay'adaha kala duwan iyo cid walba oo taageero ka geysan karta wax ka qabashada dhibaatada abaaraha iney gurmad deg deg ah lasoo gaaraan dadka ay abaaraha saameeyeen ee ku nool deegaanada maamulkiisa.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]