4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 20, 2021
Axmed Madoobe oo lagu bogaadiyay inuu haweenka kaalin ka siiyay kuraasta ka harsan doorashada aqalka sare
 

Arbaco, October, 20, 2021 (HOL) - Ku xigeenka wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, ayaa ku bogaadisay maamulka Jubbaland inuu haweenka kaalin ka siiyay in ay  ka dhex muuqdaan doorashooyinka kuraasta afarta ah ee ka harsanayd metelaaddooda Aqalka Sare.

“Mid ka mida arrimaha aan rabay in aan kala hadlo Madaxweynaha waxa ay ahayd arrinta ka-qeyb-galka haweenka ee geeddi-socodka Aqalka Sare,” Ayey tiri Ku-xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Anita Kiki Gbeho.

Beesha caaalamka ayaa horey carrabka ugu adkeeysay baahida loo qabo in doorashooyinka ka harsan Aqalka Sare loo dhameystiro si dhaqse ah si diiradda doorashadu ugu wareegto wejiga xiga ee doorashooyinka federaalka ah.

Beesha caalamka waxay sidoo kale ugu yeertay in hoggaamiyeyaasha dalku xaqiijiyaan in geeddi-socodka doorashada lagu tixgeliyo xaqa ay haweenku u leeyihiin inay si buuxda uga qayb galaan dhammaan dhinacyada siyaasadda, iyo in qoondada haweenka ee ugu yaraan boqolkiba 30 ay waajib tahay in laga gaaro Baarlamaanka.

“Haweenku waxa ay boqolkiba 50 ka yihiin shacabka — haddii aad ka socoto iyada oo aan kala bar bulshada aan la meteleyn, oo aanay cod laheyn, oo aanay talo lahayn, waxa aan ku dhiirran karaa in aan sawirto in aysan suurta gal ahayn in aad xal u hesho dhibaatada", ayey tiri Ku-xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee QM.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online