4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 20, 2021
Odayaasha Badhan: Dadka ka guuray Ceerigaabo ee la raray shaqo kuma lihin"
 

Arbaco, October, 20, 2021 (HOL) - Qaar kamid ah odayaasha degmada Badhan ee gobolka Sanaag, ayaa sheegay in ay ka xunyihiin dadka xukuumada Somaliland gobolka ka raafayso, waxayna sheegeen in xukuumadu anay ka talo galin.

"Waxaanu sheegaynaa in hadii ay tahay reer Koonfur-galbeed ama Soomaalida kaleba in aan waxba nalaga waydiin, waana nu ka xunahay dadkaa la raray ee la kalifay, ee la dhibaateeyay" sidaa waxa yidhi mid kamid ah odayaasha warbaahinta la hadlay.

Odayaashan ayaa sidookale sheegay in dadka reer Koonfur-galbeed Soomaaliya ee laga raafayo gobolka Sanaag, ay dagi karaan deegaanadooda oo ay soo dhawaynayaan.

"Dadkaa ka guuray Ceerigaabo oo la raray beeluhu shaqo kuma leh waxna may saxeexin, anagu manaanaan rarin shaqona kuma lihin bari ayaanu ka nahay, dhulkayagana way dagi karaan".

Odayaasha ayaa ka codsaday waxgaradka iyo culimada Ceerigaabo in ay ka howlgalaan ilaalinta hantida dadka gobolka laga tarxiilayaa ay ku lahaayeen magaalada.

"Nimankaa hantidooda haloo bad baadiyo, dad baa aqalo ku leh Ceerigaabo, culimo awdiinka iyo wadaadanuna howshaa xooga ha saaran, wakhtiyar oo kooban ayaa u hadhay waana nu kusoo dhawaynaynaa dhulkayaga".

Afar cisho oo kaliya ayaa ka hadhay mudadii ay xukuumada Somaliland u qabatay, in dadka reer Koonfur-galbeed ay kaga baxaan gobolka Sanaag.

Abdilahi Abdirahman Mohamed, Hiiraan Online
[email protected]