4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 20, 2021
Dagaal khasaare geystay oo ka dhacay deegaanka Baarka ee gobolka Jubbada Hoose
 

Arbaco, October, 20, 2021 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal ku dhexmaray ciidamada maamulka Jubbaland iyo kuwa Al-shabaab deegaanka Baarka oo ka mid ah deegaanada hoos yimaada magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhig ciidamada Jubbaland ku leeyihiin deegaanka Baarka, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal aad u qaraar oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Dadka ku nool deegaanka Baarka waxay sheegeen in siweyn uu u sameeyay dagaalka, isla markaana rasaasta ay labada dhinac isku adeegsanayeen ay ku dhaceeysay xaafadaha qaar ee deegaanka, inkastoo aysan sheegin wax khasaare ah oo kasoo gaaray rasaastaasi.

Wararka laga helayo  deegaanka Baarka ayaa intaasi waxay ku darayaan in dagaalka uu ku dhintay hal askari oo ka tirsan ciidanka maamulka  Jubbaland, islamarkaana uu ku dhaawacmay askari kale, kuwaas oo la geeyay dhaawacadooda magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay labada dhinac ee uu dagaalka ku dhexmaray deegaanka Baarka oo ku aadan khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]