4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 2 , 2021
Beesha caalamka oo mar kale Farmaajo iyo Rooble ugu baaqday in ay ka heshiiyaan khilaafka dhexdooda
 

Sabti, October, 2, 2021 (HOL) - Beesha caalamka ayaa mar kale ugu baaqday Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Rooble in ay ka heshiiyaan khilaafka dhexdooda ayna sii wadaan dadaallada dhexdhexaadinta ah ee lagu xallinayo khilaafaadka.

War-saxaafadeed kasoo baxay beesha caalamka, waxaa welwel looga muujiyay hubaal la’aanta siyaasadeed ee socota, taas oo sii kordhisay halista dib-u-dhac kale oo ku yimaada geeddi-socodka doorashada Soomaaliya.

Beesha caalamka waxay sheegtay in ay ka xun tahay jahwareerka ka dhashay hoggaanka Wasaaradda Amniga Gudaha (WAG) iyo Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), kuwaas oo waxtarkoodu muhiim u yahay la-dagaallanka Al-Shabaab iyo ilaalinta xaaladda nabadgelyo ee dalka.

“Saaxiibada caalamku waxay ku boorrinayaan Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha inay sida ugu dhaqsaha badan u gaaraan heshiis, si ay diiradda u saaraan hirgelinta heshiisyada doorashada ee 17-kii Sebteember 2020 iyo 27-kii Maajo 2021,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay beesha caalamka.

Baaqa beesha caalamka ayaa kusoo beegmay xilli uu weli taagan yahay khilaafka siyaasadeed ee ka dhex aloosan madaxda Soomaaliya, iyadoo khilaafku uu saameeyay hay’addihii amniga oo labo garab u kala qeybsamay.

Hoos ka Aqriso War-saxaafadeedka kasoo baxay beesha caalamka:-


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online