4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 2 , 2021
Madaxweyne Deni oo safar aan la shaacin ku aaday Imaaraatka
 

Sabti, October, 2, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa safar aan la shaacin maanta oo sabti ah ugu ambo baxay dalka Imaaraatka Carabta oo kamid ah dalalka saameynta ku leh arrimaha Soomaaliya iyo gaar ahaan Puntland.

Ujeedada Safarka madaxweyne Deni lama oga, balse waxa uu kusoo aaday xilli uu dalku doorasho ku jiro, isagoo madaxweyne Deni lagu tiriyo inuu kamid yahay siyaasiyiinta u hanqal taagaya madaxtinimada Soomaaliya.

Xogo aan helayno waxay sheegayaan in safarka madaxweyne Deni uu la xiriiro wada hadal uu la leeyahay mas’uuliyiinta shirkadda DP-World oo gacanta ku haysa dekeda magaalada Bosaso.  

 DP- World oo aan wax muuqda ka qaban dekeda Bosaso, tan iyo markii lagu wareejiyay bishii abril ee sannadkii 2017, ayaa hadda qarka u saaran in Puntland ay ka laabato heshiiska ay kula jirto.

Madaxweyne Deni ayaa laga sugayaa in uu kalfadhiga barlamaanka Puntland ee furmaya 25ka bishaan, horgeeyo warbixin ku saabsan heshiiska DP-World iyo waxa ka suurto galay ballanqaadkii shirkadda ee ah in ay si degdeg ah u billaabayso dayactirka dekeda.

Qaar kamid ah xildhibaannada barlamaanka Puntland ayaa horey u soo jeediyay in la kansalo heshiiska DP- World, isla markaana maamulka dekeda lagusoo celiyo gacanta  Puntland.

Imaaraatka waxaa uu Puntland ka taageeraa mushaaraadka iyo tababarka ciiddamada badda Puntland ee loo yaqaano PMPF.

Abdisalan Nur Dirie, Hiiraan Online
[email protected]