4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 19, 2021
Axmed Fiqi : Wadaadada Wahaabiyiinta waxay bannaysteen dhiigga Ahlusunna Waljamaaca
 

Talaado, October, 19, 2021 (HOL) - Wasiirkii hore ee amniga Galmudug, Axmed Macalin (Fiqi), ayaa weerar afka ah ku qaaday wadaado uu ku tilmaamay inay yihiin wahaabiyiin uu sheegay in doonayaan in ay xallaalsadaan dhiigga culimada Ahlusunna Waljamaaca.

Fiqi ayaa ku eedeeyay wadadaadaas in ay fatwoodeen in la weeraro magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud isla markaana Ahlusunna loola dagaalamo si lamid ah ururka Alshabaab.

“Wadaadada wahaabiyadu waxay fatwoodeen dagaalka Guriceel ayagoo ku tilmaamay Ahlusuuna mushrikiin iyo in ay Shabaab la mid yihiin,” ayuu yiri wasiir hore Axmed Macalin Fiqi.

Fiqi ayaa hadalkaan ku sheegay qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook, isagoo dhinaca kale madaxweynaha Galmudug, Qoorqoor ku eedeeyay inuu maalinta mowliidka ee xuska Nebiga kusoo beegay dagaal uu sheegay in lagusoo qaaday Guriceel.

Wasiirkii hore ee amniga Galmudug, oo dhawaan xilka iska casilay, ayaa kasoo horjeestay in dagaal lagu qaado magaalada Guriceel, isagoo nasiib darro ku tilmaamay in madaxweynaha Galmudug uu xal u arko in la weeraro Ahlusunna Waljamaaca.

Hadalka Fiqi ayaa kusoo beegmaya, iyadoo wararka ka imaanaya Guriceel ay sheegayaan in qarka loo saaran yahay inuu ka bilowdo dagaal dhexmara ciidamada Galmudug iyo kuwa Ahlusunna.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online