4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 19, 2021
Faahfaahino kasoo baxaya qarax miino oo dad shacab ku dhinteeen oo ka dhacay gobolka Sh/dhexe
 

Talaado, October, 19, 2021 (HOL) - Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso ayaa waxaa uu ka dhacay agagaarka degaanka Daniga Baalow oo ku yaalla inta u dhaxeeysa degmooyinka Balcad iyo Afgooye ee Gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose, waxaana ka dhashay khasaaro dhimasho ah.

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax miino nooca dhulka lagu aaso ah oo heleeshay Mooto Bajaaj  ka baxday degmada Bacad ee gobolka Sh/dhexe kuna sii jeeday tuulada lagu magacaabo Garasweyne.

Qaraxaan qabsaday Mootada ayaa waxaa ku dhintay dad gaaraya shan ruux oo laba ka mid ah ahayeen walaalo midina haweeney aheyd.

Dadka ku dhintay qaraxaan miino ayaa magacyadoo lagu kala sheegay Cabdi Xukun, Hodan Xukun, Maxamed Rooble, Taliye Nuur, iyo Sahra Gacameey, waxaana meydadkooda goobta ka qaaday eheladooda oo dib ugu celiyay degmada Balcad oo markii hore ay kasoo safreen si loogu aaso.

Qaraxa Miino ee khasaaraha geystay kana dhacay Tuulada Daniga Baalow oo u dhow degmada Balcad ayaa kusoo aadaya xilli saacado ka hor halkaasi ay howlgallo ka sameeyeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo AMISOM, waxaana wadadaasi marin muhiim ah u tahay gaadiidka dadweynaha ee isaga kala goosha gobolada Sh/dhexe iyo Banaadir.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]