4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 19, 2021
Madaxweynaha Jubbaland oo soo saaray liiska Musharaxiinta ku tartameysa kuraasta ka dhineyd Aqalka sare
 

Talaado, October, 19, 2021 (HOL) - Madaxweynaha maamul goboleedka Jubbland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa soo saaray liiska magacyada afarta musharax ee ka harsaneyd kursaasta Aqalka sare xubnaha uga mid noqonaya maamulka Jubbaland.

Sideed Musharax ayaa ku wada tartami doona afarta kursi ee liiskooda uu soo gudbiyay madaxweynaha Jubbaland, waxaana kuraasta labo ka mid ah ku tartami doono afar haween ah.

Magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel gaarka u ah Maamul goboleedka Jubbaland waxaa horay loogu soo doortay inta badan kuraasta aqalka sare ku lahaayeen Jubbland, waxaana jiray cadaadis Jubbaland kaga yimid beesha caalamka, kaasi oo ku aaddanaa in qoondada haweenka ay ilaaliyaan, waxaana taasi ay keentay in hadda loo xiro haweenka kuraasta qaar.

Hoos ka akhriso magacyada Liiska Musharaxiinta afarta kursi:-


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]