4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 18, 2021
Raila Odinga oo ballanqaaday inuu dib usoo celindoono ganacsigii Qaadka Miirooga ee Soomaaliya loo iib gayn jiray
 

Isniin, October, 18, 2021 (HOL) - Hoggaamiyaha xisbiga Orange Democratic Movement (ODM) Raila Odinga ayaa u ballan qaaday beeraleyda qaadka ee Meru in uu suuqyo uga heli doono wax soo saarkooda dalal kala duwan haddii loo doorto madaxweynaha Kenya sannadka 2022 -ka.

Odinga ayaa hadalkaan ka sheegay magaalada Mau, ee Gobolka Meru, iyadoo ahayd maalintii ugu horreysay ee socdaalkiisa saddexda maalmood ah ee uu ku soo jiidanayo codbixiyeyaasha gobollada Bari dalka Kenya.

Ra'iisul wasaarihii hore ee Kenya, ayaa sheegay in dalalka uu ka rajaynayo in suuqyada qaadka loo iibgeeyo ay ka mid yihiin Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo (DRC) iyo Soomaaliya.

Hoggaamiyaha ODM ayaa wacad ku maray in uu xallin doono arrimaha xadka u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya, si loo hubiyo in qaadka si nabadgelyo ah loogu gudbiyo dalka Soomaaliya.

“Waan ogahay in beeraleyda ay dhibaatooyin badan ku qabeen suuq la’aan suuqeenna Soomaaliya ayaa hoos u dhacay" ayuu yiri Raila Odinga, musharaxa xisbiga mucaraadka ODM.

Raila Odinga waxa uu sheegay in ay Somaliland, horey ugu heshiiyeen in Qaadka Miirooga loo dhoofiyo, laakiin ay dowladda Soomaaliya ka hor -joogsatay in Kenya halkaas u dirto Miirooga.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online