4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 18, 2021
Dhismaha Terminaalka Cusub ee Garoonka Ugaas Khaliif ee magaalada Baledweyne oo maanta xariga laga jaray
 


Isniin, October, 18, 2021 (HOL) - Waxaa maanta si rasmi ah xariga looga jaray dhismaha Terminaalka cusub ee garoonka Ugaas Khaliif ee magaalada Baledweyne.

Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Duraan Faarax, guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeyte iyo Agaasimaha hay'adda Duulista Rayidka Soomaaliya Axmed Xasan Macalin ayaa maanta xariga ka jaray dhismaha cusub ee qeybta Terminalka garoonka Ugaas Khaliif ee magaalada Baledweyne.

Munaasabada maanta xariga looga jaraayay dhismaha cusub ee garoonka Ugaas Khaliif ayaa waxaa kasoo qeyb galay masuuliyiin kala duwan oo ka socday dowlada Soomaaliya iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Baledweyne.

Masuuliyiintii kala duwanaa ee ka hadashay munaasabada lagu daahfuraayay Terminaalka cusub ee garoonka Ugaas Khaliif dhamaantood waxay sheegeen iney ku faraxsan yihiin dhismaha cusub ee garoonka iyo waliba in si guud looga wada qeyb qaato qeybaha harsan ee dhismaha garoonka.

Gabagabadii dhismahaan cusub ee Terminaalka quruxda badan ee maanta xariga laga jaray ayaa imaanaya xili hadii caawa uu Roob ka da'o magaalada Baledweyne ay hakad galayaan howlaha duulimaadyada ee garoonka Ugaas Khaliif ee magaalada Baledweyne, maadama ay biyaha dhex fariisanayaan wadada loogu talo galay in diyaaradaha soo caga dhigtaan.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]