4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 18, 2021
Puntland oo joojisay tababar ciidan katirsan dowladda federalka ku qaadan lahaayeen Carmo
 

Isniin, October, 18, 2021 (HOL) - Punttland ayaa joojisay tababar ay ciiddamo katirsan dowladda federalka oo laga qoray gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn, ku qaadan lahaayeen kulliyada tababarka ciiddamada ee ku taalla magaalada Carmo ee gobolka Bari.

Ciiddankan oo lagu waday in loo tababaro booliis, ayaa markii ay tageen kulliyada tababarka, waxaa saraakiisha lagu amray in tababarka la joojiyo, askartana dibna loogu sooceliyo deegaannada ay ka yimaadeen.

Xiriir aan la sameeynay saraakiisha ugu sarreysa kuliyadda Carmo, waxay diideen in ay tafaasiil naga siiyaan sababta ka dambeysa in la joojiyo tababarka ciidamada loo qaban lahaa.

Warar aan helnay waxay sheegayaan in joojinta tababarka ciiddankan uu salka ku hayo khilaafka dhinaca tababarada ciiddamada oo ka dhaxeeya Puntland iyo dowladda federalka.

Puntland ayaa horey u diiday in ciiddamo loogu soo tababaro magaalada Muqdisho, si ay uga mid noqdaan ciiddamada isku dhafka ah ee qaranka Soomaaliya.

Askarta tababarka loo diiday oo baraha buslshada ku faafiyay muuqaallo ay iska duubeen waxay ku sheegeen in si fool xun loola dhaqmay, isla markaana, saqdhexe oo habeenimo ah laga saaray xerada tababarka lagu siin lahaa.

Askarta waxay sheegeen in ay ahaayeen ciiddamo katirsan dowladda federalka Soomaaliya. Waxay kaloo sheegeen in loo bartilmaameesaday qaab qabiil.   

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online