4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 18, 2021
Jaamacadda Carabta oo soo dhoweysay go'aanka maxkamadda ICJ ee muranka badda ku saabsanaa
 

Isniin, October, 18, 2021 (HOL) - Baarlamaanka dalalka ku midaysan jaamacadda Carabta ayaa kulan ku yeeshay magaalada Qaahira ee dalka Masar, waxaana looga hadlay xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan go’aanka ICJ, doorashooyinka iyo amniga.

Ugu horreyn, xubnaha baarlamaanka Jaamacadda Carabta ayaa soo dhoweeyay go’aanka Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ), oo u xukuntay Soomaaliya dacwadda badda ee kala dhaxeysay Kenya.

Bayaan ka soo baxay Baarlamaanka Carabta ayaa lagu sheegay inay ku faraxsan yihiin guusha Soomaaliya ay ka gaartay muranka badda ee mudada dheer soo jiitamayay.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ee shirka ka qeyb galay, ayaa sheegay in xildhibaanada dalalka Jaamacadda Carabta ay u hambalyeeyeen Soomaaliya.

Bayaanka jaamacadda Carabta ayaa kusoo beegmay kadib markii 12ka bishaan maxkamadda ICJ ay Soomaaliya u xukuntay dacwaddii badda ee kala dhaxaysay dowladda Kenya. Inkastoo Kenya ay diiday.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online