4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 17, 2021
Wafdi ballaaran oo ka socda Somaliland oo lagu soo dhaweeyay magaalo xuduudeedka Tog Wajaale


Axad, October, 17, 2021 (HOL) - Magaalo xuduudeedka Wajaale ayaa maanta waxaa lagu soo dhaweeyay wafdi ballaaran oo ka socday Somaliland.

Wafdigan oo uu  hoggaaminayay Madaxwayne ku xigeenka Somaliland ayaa waxaa kusoo dhaweeyay magaalada Wajaale qaar kamid ah madaxda u sareeya dowlad degaanka Soomaalida.

Haddaba wafdigan ayaa dowlad degaanka Soomaalida usoo gaaray si ay uga qayb galaan caleema saarka Madaxwayne Mustafe cagjar oo maalinta barri ah la caleema saari doono.

Ugu dambayn wafdiga ayaa caawa loosoo dheelmiyay magaalada Jigjiga, iyadoo magaaladu ay caawa la ciirciirayso wufuud badan oo dhanka dawlad degaannada Itoobiya ka socda, kuwaas oo u yimid ka qayb galka dhisida xukuumadda cusub ee dowlad degaanka Soomaalida.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]