4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 17, 2021
Muuse Biixi "Meel dhiiga bini-aadanka laga baayac-mushataro Xamar baa jirta"
 

Axad, October, 17, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa dowlada Soomaaliya iyo maamulada hoostaga ku eedeeyay in ay iyagu ugu dhibaatayn badanyihiin dadka kasoo jeeda maamulka Koonfur-galbeed ee Soomaaliya, isla markaana, dil iyo hagardaamo joogto ah u gaystaan.

Madaxweynaha oo ka hadlayay munaasibada xuska maalinta halgamayaashii SNM ee 17 October, ayaa sheegay in qof qudha oo reer Koonfur-galbeed ah aan Somaliland gudaheeda dhibaato loogu gaysan, isagoo maamulka Puntland oo hada ka qayliyay raafka Laascaanood ku eedeeyay in ay dil iyo dhibaatayn u gaystaan shacabka reer Koonfur-galbeed Soomaaliya.

"Gobolada kale ee Soomaaliya kamid ah ee leh dadkiibaa la xumeeyay oo waanu soo dhawaynaynaa, waxan leeyahay 30 sanno ayay joogeen qof qudha oo reer Baydhabo ah oo lagu dilay Somaliland ma jiro, qof qudha oo lagu dulmiyay ama hanti uu leeyahay laga dhacay lama soo helayo, Puntiland oo durbaanka aad u tumaysa maalin qudha ayay 17 canug oo aan 20 gaadhin dileen" ayuu yidhi Biixi.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dadka reer Koonfur-galbeed ku dhibaataysan yihiin xataa magaalada Muqdisho, wuxuuna ku andacooday in dadka ugu badan ee lagu dilo magaalada Muqdisho ay yihiin dadka kasoo jeeda Koonfur-galbeed Soomaliya.

"Xamar iyada ka hadli maayo, af lagula hadlaaba inooma bannaana oo, meel dhiiga bini'aadanka laga baayac mushtareeyo oo maalin walba  la yidhaa way dhinteene aynu wax kale ku doono Xamar baa jirta, kuwa ugu dulmiga badan ee lagu laayaana waa dadka Koonfur-galbeed ka yimid" ayuu yidhi Biixi.

Madaxweynaha ayaa sidookale maamulka Koonfur-galbeed laftiisa ku eedeeyay in ay dacayeen shacab kooda oo aanay u samayn nolol iyo nabad midna, wuxuna dhinacakale, sheegay in Somaliland ay qaadi kariwayday amni ahaan iyo dhaqaale ahaan in ay sii marti galiso shacabkaa wakhti kale oo dheeraad ah.

"Maxaa ka dhacay Baydhabo?, qolada Baydhabo ka qaylinaysa, hadii dadkoodu amaan ka helayaan oo nolol ka helayaan iyagaa daayacay oo u ooyaya imika, oo anaga na saaraya eed aanaan lahayn, caruurta iyo wax magarataduna ay ka dhagaysanayaan, dadkooda iyagaa dayacay oo soo daayay, anaguna waanu qaadi kariwaynay awoodooda, dhaqaale ahaan iyo nabadgalyo ahaan" ayuu yidhi Biixi.

Dowlada Soomaaliya iyo maamulada Puntland iyo Koonfur-galbeed, ayaa si isku mid ah u cambaareeyay howlgalka ay xukuumada Somaliland gobolada qaar kaga saarayso dadka u dhashay maamulka Koonfur-galbeed ee Soomaaliya, iyagoo ku andacooday in anay banaanayn in dad Soomaaliyeed laga barakiciyo dhul kale oo Soomaaliyeed.

Abdilahi Abdirahman Mohamed, Hiiraan Online
[email protected]