4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 17, 2021
Raysal wasaaraha Soomaaliya oo shaaciyay waqtiga ay bilaaban doonto doorashada Golaha Shacabka
 

Axad, October, 17, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in todobaadka soo socda ay bilaaban doonto doorashada Xildhibaanada Aqalka hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Raysal wasaaraha ayaa sheegay in todobaadka soo socda ay si rasmi ah u bilaaban doonto doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka ee gobolada Waqooyi oo noqon doonta doorashada ugu horeysa.

Waxuu intaa ku daray Raysal wasaaraha in guddoomiye Cabdi Xaashi iyo Raysal wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Guuleed iney ku balameen dadajinta doorashada Xildhibaanada gobolada Waqooyi ku matalaya Golaha Shacabka Soomaaliya.

"Waxaan rabaa inaan dowlad iyo nidaam cusub si dhaqsi ah usoo dhiso oo aan ku warejiyo maamulka anigoo shaatigeyga nadiif yahay cidna isdilin, doorashada golaha shacabka ayaana inoo bilaaban doonta todobaadka soo socda sida aan ku balanay guddoomiye Cabdi Xaashi iyo Raysal wasaare ku xigeenka Mahdi Guuleed iyo masuuliyiinta kale ee gobolada Waqooyi" ayuu yiri Raysal wasaare Rooble.

Raysal wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Guuleed ayaa sheegay dhankiisa iney soo wadaan doorasho xor iyo xalaal ah oo uu sheegay in todobaadka soo socda hirgelin doonaan, isagoona ugu baaqay madaxda dowlad goboleedyada iney si deg deg ah kusoo gabagabeeyaan arimaha doorashooyinka.

"Waxaad aragteen sidii wanagsaneyd ay kusoo dhamaatay doorashadii Aqalka sare oo ay kusoo baxeen jilba culus rag iyo dumar isugu jira ilaaheyna waa iskeen fahamsiiyay, hadana waxaan wadnaa inaan 46 tusaale u ah doorashadii Aqalka sare oo kale inaan qabano, doorashada Aqalka Hoose waa lagu dhiiran la'yahay balse anaga ayaa ku dhiiraneyna oo bilaabeyna todobaadka soo socda" ayuu yiri Raysal wasaare ku xigeenka Mahdi Guuleed.

Doorashada xildhibaanada golaha shacabka oo dhowr jeer jadwalkeeda dib u dhacay ayaa la rajeynayaa inay bilaabato bishan aynu kujirno ee Oktoobar iyadoo magaalooyin kamid ah goobaha lagu qabanayo doorashada Golaha Shacabka la geeyay ciidamo Boolis ah oo ka socda AMISOM.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]