4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 17, 2021
Madaxweyne Biixi "Dadka afka soo duubtay ee codaynayay ma jin bay ahaayeen?"
 

Axad, October, 17, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa dowlada Soomaaliya ku eedeeyay in ay ku mashquulsantahay duminta Somaliland, isla markaana, doorasho aan la garanayn cida codaysay ay ku tilmaameen 'doorashadii Somaliland'.

"Dadka Xamar ka taliya oo wali ku dawakhsan siday Somaliland u dumin lahaayeen, waxay yidhaahdeen Somaliland dad ka tirsan oo ku matalaya dowlada dhexe ayaa Xamar lagu dooranayaa, xerada Afisiyooni la yidhaa ee ciidamadii hore ee cirku lahaan jireen oo ajinabigu ilaaliyo ayaa la geeyay, waad wada arkayseen dadka wajigooda soo qariyey ku way u codeeyeen iyo kuwa loo codeeyay yay ahaayeen?, ma Somaliland ayay ahaayeen mise Jin bay ahaayeen?" ayuu yidhi Biixi.

Madaxweynaha ayaa doorashada dadka afka duubani codeeyeen ku tilmaamay dagaal lagu soo qaaday Somaliland, loona baahanyahay in qofkasta oo reer Somaliland ahi  uu ka dhiidhiyo.

"Qofkasta oo Somaliland ahi waxaasoo kale markuu arko waa in uu ka dhiidhiyaa, qofkasta oo Somaliland ah waa dhirbaaxo isaga ku taala, ama Saylac ha joogo ama Ceelaayo iyo Laasqoray ha jooge, qofkasta oo Somaliland jooga waa dhirbaaxo loo quudhayo oo inuu ka dagaalamo oo uu iska difaaco ay waajib ku tahay" ayuu yidhu Biix.

Dadka u codaynayay sanaterada ay dowlada Soomaaliya sheegtay in ay Xamar ku matalayaan Somaliland, doorashadii ka qabsoontay taandhada Afisiyooni dabayaaqadii September, ayaa dhamaantoodba wajiga soo duubtay, si aan wajigooda loo arag.

Abdilahi Abdirahman Mohamed, Hiiraan Online
[email protected]