4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 17, 2021
Booliiska Soomaaliya oo soo bandhigay qaraxyo la diyaarinaayay oo ay gacanta kuso dhigeen
 

Axad, October, 17, 2021 (HOL) - Taliska Booliiska Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixiyay howlgalo qorsheysan oo ay sheegeen iney degmada Afgooye ka fuliyeen ciidanka gaarka ee la dagaalanka argagisixada.

Afhayeenka Booliiska Soomaaliya ayaa sheegay in howlgalka lagu soo qabtay miinooyin la diyaarinaayay iyo hub kale oo ah kuwa wax lagu gumaado.

"Cutubka la dagaalanka Argagixisada Booliiska Soomaaliya ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen degmada Afgooye waxay gacanta kuso dhigeen miinooyin farsamo ku socotay, Bambaanooyinka nooca gacanta laga tuuro iyo waliba baaruuda loo istocmaalo miinooyinka"ayuu yiri Afhayeenka Booliiska.

Booliiska Soomaaliya ayaa intaa ku daray in lagu raad joogo shaqsiyaadkii ku lugta lahaa farsamada qaraxyadaan, islamarkaana ay sii socon doonaan howlgalada noocaan oo kale ah ee looga hortagaayo dhibaatada laguna xaqiijinaayo amaanka.


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]