4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 16, 2021
Ahlusunna Waljamaaca oo maanta magaalada Guriceel ku sameysay Dhoolo-tus milatari


Sabti, October, 16, 2021 (HOL) - Ciiddanka Ahlusunna Waljamaaca ayaa maanta oo sabti ah dhoolo-tus milatari kusoo bandhigay magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud, halkaas oo ay todobaadyo ka hor si nabad galyo ah kula wareegeen.

Dhoola-tuskan ayaa Ahlussuna waxay kaga jawaabayeen warar saxaafadda lagu baahiyay oo ku saabsan in ay isaga baxeen magaalada Guriceel cabsi ay ka qabaan ciiddamada Galmudug iyo kuwa dowladda federalka.

Saraakiisha ciidanka Ahlusunna ayaa warbaahinta ka sheegay in aanay jirin wax cabsi ah oo ay ka qabaan in duulaan lagusoo qaado magaalada Guriceel, iyagoo sheegay inay diyaar u yihiin in ay difaacaan dhulkooda.

”Magaalada Guriceel, waxaan dadka u sheegaynaa in ay nabad tahay. Magaaladan waa magaaladii laga billaabay dagaalka Khawaarijta (Alshabab). Waa magaaladii lagu dhigi jiray xuska Shuhadadii Ahlusunna. Waa magaalada aan rabo in aan ka billowno sifaynta khawaarijta,” sidaas waxaa yiri sarkaalka katirsan Ahlusunna

Saraakiishu waxay sheegeen inay aad uga xun yihiin in baraha bulshada dadka laga barakiciyo, waxayna sheegeen in reer guriceel aysan maanta u baahnayn in la qaxiyo, taas beddelkeedna ay u baahan yihiin nabad.

Si kastaba ha ahaatee, Ku dhawaad 500 qoysas ayaa isaga barakacay magaalada Guriceel, iyagoo ka cararaya in dushooda lagu dagaalamo, waxayna dadkaas ku sugan yihiin meelo 5km u jirta magaalada Guriceel.

Qoysaskan ayaa casbi ka qaba duulaanka dowladda federalka iyo Galmudug ku yihiin magaalada Guriceel, iyagoo ciiddamada ay kusii dhawaanayaan magaalada Guriceel, halka Ahlusunna ay isku diyaarinayso sidii ay isaga difaaci lahaayeen duulaanka lagusoo yahay.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online