4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 16, 2021
Wafdigii Dowladda Soomaaliya uga qeyb galay dhageysigii go'aankii Maxkamada ICJ oo dalka dib ugu soo laabtay


Sabti, October, 16, 2021 (HOL) - Waxaa goordhaw oo maanta ah dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya wafdigii dowladda Fedaraalka Soomaaliya uga qeyb galay dhageysigii go'aankii Maxkamada Caddaaladda Aduunka ee ICJ kaga gaartay kiiskii dacwada Badda ee u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Kenya.

Wafdiga maanta dalka dib ugu soo laabtay waxaa hoggaaminaayay Raysal wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed, waxaana garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay Wasiiro, Xildhibaano, Siyaasiyiin iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Wafdiga ayaa ka mahadceliyay soo dhaweynta heer keedu sareeyay ee maanta loogu sameeyay garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, iyagoona sheegay iney si weyn ugu faraxsan yihiin guushii laga gaaray kiiskii dacwada badda ee Kenya ay murunka galisay.

12-kii bishaan ayay aheyd markii Maxkamadda Cadaalada Aduunka ee ICJ ay go’aan ka gaartay kiiskii dacwada badda ee u dhaxeeyay dowladaha Soomaaliya iyo Kenya, iyadoona doodda labada dal ay aheyd Soomaaliya uu mowqifkeedu ahaa in xadaynta lagu saleeyo laynka tooska ah ee ku astaysayn xuduudda badda, halka Kenya ay dooneysay in xariiqda lagu saleeyo loolka.

Maxkamadda ICJ ayaa sameysay xariiq cusub oo ah xuduud badeedka labada dal, sida ka muuqatay xariiqda cusub, inta badan dhul-badeedkii ay sheegatay Kenya waa la diiday, waxaana loo xukumay Soomaaliya.



Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]