4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 16, 2021
Shirkadda Dahabshiil oo lacag dhan $300,000 ugu deeqday dadkii lagasoo barakiciyay magaalada Laascaanood
 

Sabti, October, 16, 2021 (HOL) - Shirkadda adeegga lacagaha ee Dahabshil Group ayaa lacag dhan Saddex boqol oo Kun oo dollar ugu deeqday qoysaskii laga soo masaafuriyey magaalada Laascaanood, kuwaas oo haatan ku sugan magaalada Baydhabo.

Maamulaha guud ee shirkadda Dahabshiil ee gobolada Baay iyo Bakool, Sheikh Ibraahim Cali Cabdi, ayaa sheegay in ay Dahabshiil dhaqaalahan ugu talo gashay in deegaamayn cusub loogu sameeyo dadka lasoo barakaciyay.

Sheikh Ibraahim Cali Cabdi wuxuu sheegay in ay shirkadda Dahabshiil mar walba garab taagan tahay dadka ku nool koonfur galbeed, wuxuuna sheegay in ay shirkaddu mar walba diyaar u tahay in ay ka jawaabto wixii dhaca.

Masuuliyiinta Koonfurta Galbeed ee ka qeyb galay kulanka dhaqaalaha lagu wareejinayay, ayaa Dahabshiil uga mahad celiyay kaalmada lacageed ee ay ugu talo dadka lagasoo musaafuriyay magaalada Laascaanood.

Waxayna shirkadda ku ammaaneen in ay bixisay dhaqaalihii ugu badnaa ee dadkaas tabaalaysan lagu taageerayo, si dib u dajin rasmi ah loogu sameeyo.

Wasiirka caafimaadka Koonfur galbeed oo xubina ka ah guddigii loo maacaabay xaaladda dadka lasoo barakaciyay, oo lacagta ka guddoomay shirkadda Dahabshiil, ayaa ballanqaaday in lacagtan sidii loogu talo galay loogu adeeggi doono dadka Laascaanood lagasoo raafay.



Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online