4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 16, 2021
Booliiska UK oo xiray nin 25-sano jira oo Soomaali ah oo looga shakisan yahay inuu dilay xildhibaan katirsanaa xisbiga Conservative-ka
 

Sabti, October, 16, 2021 (HOL) - Booliiska ka hortagga argagixisada ayaa hoggaaminaya baaritaanka weerarkii mindida loo adeegsaday ee lagu dilay xildhibaan UK ah oo ka katirsan xisbiga Conservative, kaas oo lagu magacaabo jiray Sir David Amess.

Sir David, oo ahaa xildhibaan lagasoo doortay deegaanka Southend West ee Essex, ayaa lagu dilay Jimcihii kaniisadda Belfairs Methodist ee Leigh-On-Sea, waxaana la xiray nin British ah oo asalkiisu Soomaali yahay oo looga shakisan yahay dilkiisa.

Dhakhaatiirta gurmadka deg-degga ah ayaa isku dayay muddo laba saacadood ah si ay u badbaadiyaan 69-jirka ah, laakiin wuxuu u dhintay dhaawacyadii kasoo gaaray tooreyda.

Booliska UK ayaa fal argagixiso ah u aqoonsaday dilka loo geystay xildhibaan ka Conservative-ka.

Raiisel wasaare Boris Johnson ayaa sheegay in Sir David uu ahaa mid ka mid ah dadka ugu wanaagsan, ugu dabacsan siyaasadda, halka ra'iisul wasaarihii hore ee Conservative -ka Theresa May ay sheegtay in geeridiisu ay tahay mid qalbi jab leh.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online