4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 15, 2021
Tirrada dadka Somaliland ka masaafurisay gobolka Sool oo kumanaan gaadhay
 

Jimco, October, 15, 2021 (HOL) - Hay'ada Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha bini-adam-nimada ee OCHA, ayaa iyadoo xiganaysa PRMN sheegtay in tirada dadka xukuumada Somaliland ka saartay magaalada Laascaanood iyo hareeraheeda ay gaadhay 7,250 qof.

Waxa kale oo warbixintu sheegtay in tiro qoysas ah oo lagu qiyaasay ilaa 24 qoys ay u qaxeen deegaanada ku dhaw dhaw gobolka Sool sida Buuhoodle, sidoo kale, 75 qof oo ka qaxay magaalada Ceerigaabo, ayaa gaadhay magaalooyinka Gaalkacyo iyo Baydhabo, kadib amar ka yimid xukuumada Somaliland.

Warbixinta ayaa sidookale sheegtay in dadka laga soo barakiciyay magaalooyinka bariga Somaliland ay la kulmeen, dhibaatooyin ay kamid yihiin, is waayitaan ka dhex dhacay qaar kamid ah waalidiinta iyo ubad kooda, 7 caruura oo lumay ayaa waalidiintoodi dib loola mideeyay, sidookale ilmo yar oo waalidkiisa ka lumay ayaa lagu hayaa xero barakac oo ku taala Gaalkacyo.

Xukuumada Somaliland ayaa 2 bishan bilowday howgal ay gobolka Sool kaga masaafurisay dadka aan Somaliland u dhalan gaar ahaan dadka kasoo jeeda maamulka Koonfur-galbeed ee Soomaaliya, sidookale, gobolada Sanaag iyo Saaxil ayaa lagaga dhawaaqay masaafuriska.

Xukuumada ayaa talaabadan ku sheegtay howlgal lagu sugayo amniga gobolka Sool oo aan fiicnayn sanadihii lasoo dhaafay, waxaana la filayaa in howgal kani uu ku balaadhan karo guud ahaan Somaliland, iyadoo gobolada Sanaag iyo Saaxil sidookale lagaga dhaawqay in laga saarayo dadka aan Somaliland u dhalan.


Abdilahi Abdirahman Mohamed, Hiiraan Online
[email protected]