4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 15, 2021
Taliska qeybta 27-aad oo saraakiisha AMISOM kala hadlay kordhinta howgalada ka dhanka ah Al-shabaab


Jimco, October, 15, 2021 (HOL) - Taliyaha qeybta 27-aad ee ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed Jenaraal Maxamed Axmed Tareedishe oo howlo kormeer ah ku tagay qaar ka mid ah fariimaha ciidamada Militariga Soomaaliya ay ku leeyihiin gobolka Sh/dhexe, gaar ahaan deegaanka Xaaji Cali iyo degmada Warsheeq ayaa kula dardaarmay ciidanka in laba jibaaraan howlagalada ka dhan ah Al-shabaab.

Waxaa sidoo kale uu Jenaraal Maxamed Axmed Tareedishe uu kormeer ku tagay xerada deegaanka Qolidhow oo ay ku sugan yihiin ciidamo ka tirsan howlgalka AMISOM, gaar ahaan kuwa Burundi.

“Waxaa la idinka rabaa idinkoo u turayo shacabka inaad sii labo jibaartaan howlgalada lagula dagaalamayo cadowga ummada Soomaaliyeed ee argagixisada Al-shababaab" ayuu yiri Taliye Tareedishe.

Jenaraal Tareedishe ayaa sidoo kale kulan la qaatay saraakiisha ciidanka Burundi, kaasoo looga hadlaayay la dagaalanka Al-shabaab iyo sidii loo kordhin lahaa howlagalada ka dhanka dagaalamayaasha Shabaab.

“Waxaan la qaatay kulan gaar ahaan ciidamada AMISOM si aan usii labo jibaarno howl-galada lagula dagaalamayo cadowga ummadda Soomaaliyeed ee Al-shabaab waana isla qaadanay inaan kordhinayo howlagalada aan kula dagaalameyno Shabaab" ayuu yiri Taliye Tareedishe.

Taliyaha qeybta 27-aad ee ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed Jenaraal Maxamed Axmed Tareedishe ayaa sheegay in dhamaan howlgaladii ciidanka xooga dalka ka sameyeen gobolka Sh/dhexe ay ahayeen kuwa lagu guuleystay, ayna sii wadi doonaan howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]