4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 15, 2021
Saraakiil ka tirsan Booliiska Baledweyne oo loo soo gabagabeeyay tababar la xariira sugida amaanka doorashooyinka
 

Jimco, October, 15, 2021 (HOL) - Ciidamo ka tirsan Booliiska dowladda Soomaaliya oo ku sugan magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan iyo xubno ka tirsan bulshada rayidka ah ayaa loo soo gabagabeeyay tababar ku saabsan sidii ay uga qeyb qaadan lahayeen sugida amaanka goobaha lagu qabanaayo doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka ee ka dhaceyso magaalada Baledweyne.

Tababarkan ayaa waxaa bixinaayay saraakiil ka tirsan Booliiska Soomaaliya, waxaana ka qeyb galay Taliyaha Booliiska Hirshabeelle, Taliyaha qeybta Booliiska gobolka Hiiraan iyo waliba saraakiil ka tirsan Booliiska AMISOM.

Taliyaha qeybta Booliiska gobolka Hiiraan ayaa sheegay in ciidamadan la tababaray ay noqon doonaan kuwa ka howlgali doono goobaha Magaalada Baledweyne loogu talo galay iney ka qabsoonto doorashada Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Saraakiisha tababarka bixineysay ayaa dhankooda sheegay in ciidamadan looga baahan yahay iney si wanaagsan u qaataan tababarka casharada la siinaayo ee la xiriira hanaanka loo sugaayo amniga doorashada.

Gabagabadii magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa kamid ah magaalooyinka lagu qabanayo doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana maalmo ka hor halkaas gaaray wafdi ka socda guddiga doorashooyinka heer Federaal iyo heer dowlad goboleed.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]