4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 15, 2021
Guddiyada Doorashooyinka dalka oo ka shiray xereynta ergada dooraneysa Xildhinaabada Golaha Shacabka Soomaaliya


Jimco, October, 15, 2021 (HOL) - Guddiga doorashooyinka heer Fedaraal iyo maamul goboleed ayaa shir ka yeeshay doorashooyinka soo socda ee Aqalka Hoose iyo waliba sidii loo xareyn lahaa ergada doorashada Golaha Shacabka.

Shirka guddiyada doorashooyinka heer Fedaraal iyo heer Dowlad goboleed ayaa diirada waxaa lagu saarayay sidii loo bilaabi lahaa xareynta ergada dooraneysa Xildhibaanada Aqalka hoose ee Golaha Shacabka Soomaaliya.

Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Heer Federaal oo shirkan soo qaban qaabiyay ayaa isugu yeeray Shir gudoonada gudi hoosaadka Doorashooyinka Somaliland, Galmudug, Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle, Banaadiriga iyo Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka dalka, kaasoo u jeedkiisu ahaa sidii ay u wada dardar gelin lahayeen howlaha doorashooyinka ee horyaala.

Guddiyada waxay sheegeen in doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka ay bilaaban doonto maalmaha soo socda, isla markaana ay rajo wanaagsan ka qabaan in doorashooyinkaas ku dhacaan  50-kii maalmood ee loo qabtay.

Afhayeenka guddiga doorashooyinka heer Fedaraal ayaa sheegay in doorashada Aqalka Hoose dhawaan la guda gali doono oo ay bilaabeen diyaar garoowgii ugu dambeeyay ay ku qabsoomi laheyd doorashada, isagoona sheegay in doorashada ay ka qabsoomi doonto magaalaooyinkii loo asteeyay iney ka dhacaan doorashooyinka Golaha Shacabka Soomaaliya.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]