4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 15, 2021
Somaliland raaligalin ma siinaysa dadka laga tarxiilay Laascaanood hadii amniga waxba iska badali waayaan?
 

Jimco, October, 15, 2021 (HOL) - Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa howlgalka dadka aan Somaliland u dhalan lagaga saarayo gobolka Sool iyo gobolo kale ku tilmaamay howlgal sharci fulin ah.

Wasiir Kaahin oo marti ku ahaa barnaamijka Hal-adayg ee ka baxa muuqbaahiyaha Horn Cable, oo la waydiiyay su'aal u dhignayd hadii ay xukuumada Somaliland raali galin siin doonto dadka la tarxiilay hadii xaalada amni ee gobolka Sool is badali waydo, ayaa howlgalka tarxiilka ah ku tilmaamay howlgal lagu filanayo sharciga socdaalka Somaliland oo lagu kala saarayo dadka jinsiyada Somaliland haysta iyo dadka kale.

"Dadkaa dalkoodii Soomaaliya ayaa loo celiyay, laguma xad gudbin, sifaha ay halkan ku joogeena arrimaha ay saamaynayeen waa sharciyada Somaliland, maanta anigoo wasiir ahi xadka Tog-wajaale kama talaabi karo, hadanan dowlada Itoobiya dal-ku-gal ka haysan, Jabuutina iskama tagi karo hadii aanan sharciyadeeda marin iyo meel kasta oo adduunyada kamid ah" ayuu yidhi Kaahin.

Wasiirka ayaa sheegay in Somaliland iyo Soomaaliya ay yihiin laba dal oo kala gaar ah sidaa darteedna dadka gobolada bariga laga saarayo dalkoodii lagu celiyay.

"Dadka dadkaa u doodaya iyo adigaagan imika su'aalaadka faraha badan i waydiinaya hadii ayna u jeedadeenu ahayn Soomaaliyadii aynu ka mid ahaan jirnay aynu ku milano, dadkaa waxba laguma samayne dalkoodii uunbaa lagu celiyay" ayuu yidhi Kaahin.

Ilaa iyo hada gobolada Sool, Sanaag iyo Saaxil ayaa lagaga dhawaaqay howlgal dadka aan jinsiyada Somaliland haysan lagu tarxiilayo, dhinaca kalena, magaalada Hargaysa ayaa ciidanka booliisku ka wadaan howlgalo dadka Itoobiyaan ka ah dib loogu celinayo waddan koodii.



Abdilahi Abdirahman Mohamed, Hiiraan Online
[email protected]