4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 14, 2021
Somaliland oo gobolkii saddexaad ka saaraysa dadka kasoo jeeda Koonfur-galbeed Soomaaliya
 

Khamiis, October, 14, 2021 (HOL) - Maamulka gobolka Saaxil ee Somaliland, ayaa ku dhawaaqay in ay gobolka ka saarayaan, dadka kasoo jeeda maamulka Koonfur-galbeed ee Soomaaliya.

Badhasaabka gobolka Saaxil Axmed Maxamed Xaashi, oo waraysi gaar ah siiyay muuqbaahiyaha Horn Cable, ayaa sheegay in maamulka gobolka Saaxil iyo gobolada kale ee Somaliland la siiyay amar ah in ay Somaliland ka tarxiilaan dadka kasoo jeeda maamulka Koonfur-galbeed ee Soomaaliya.

"Amar baa soo baxay ah in si nabadgalyada loo adkeeyo dadka ajaanib ka ah la saaro, Laascaanood uun kuma koobnee waa dhamaan dalka, amarkaas ayuun baanu anaguna ka mid nahay, amarkaa, waxaa noo socda diwaan galintii tiraday doonaan ha noqdaane, marka tiradooda la ogaadana waxaanu u qaban doonaa wakhti" ayuu yidhi Xaashi.

Xaashi ayaa sheegay in marka horeba maamulka  gobolka Saaxil sugida nabadgalyada ay aad ugu ad adkaayeen, markuu amarkani soo baxayna ay fulinayaan.

"Waxaanu kala mid nahay uun dalka Somaliland cidii loo arko in ay nabadgalyada wax yeelayso in la saaro, anagu marka horeba gobolada kale waanu kasii duwanahay oo si adag ayaanu nabadgalyada u ilaalinaa, dadkan Berbera nala joogaana waa dad aanu ognahay oo aanu ka war hayno" ayuu yidhi Xaashi.

Xukuumada Somaliland ayaa horay amar ugu bixisay in dadka reer Koonfur-galbeed ee ku dhaqan gobolada Sool iyo Sanaag, ay Somaliland ka baxaan kadib markii, xukuumadu ku andacootay in ay amniga khatar ku yihiin.

Abdilahi Abdirahman Mohamed, Hiiraan Online
[email protected]