4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 14, 2021
Madaxweyne Farmaajo iyo Raysal wasaare Rooble oo ka hadlay qaraxii 14-ka Oktoobar ee ka dhacay Isgoyska Soobe
 

Khamiis, October, 14, 2021 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shacabka Soomaaliyeed la wadaagay farriin ku aaddan Xuska Shuhadada qaraxii 14-ka Oktoobar 2017-kii ka dhacay Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho, kaasoo ay ku dhinteen boqolaal shacab Soomaaliyeed ah, isagoona Alle uga baryey in uu naxariistiisa janno ku abaal mariyo dadkii ku dhintay weerarkaas.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in qof kasta oo Soomaaliyeed uu xasuusnaan doono dareenkii murugada lahaa ee ka dhashay weerarkii arxan darada ahaa ee lagu waayay muwaadiniin Soomaaliyeed oo u taagnaa in ay door weyn ka qaataan horumarka dalkeena iyo dib u dhiska dowladnimadeena.

“Alle ha u wada naxariisto Shuhadada Qaraxii 14-ka Oktoobar. Waxaa ay ahaayeen muwaadiniin mudnaa nolol qurux badan, balse ay argagixisadu u qoonsadeen noloshoodii sharafta badnayd. Inkasta oo ay dhacdadaasi tahay mid uurkutaallo badan inagu reebtay, misna waxa ay ahayd dhacdo daaha ka feydey sida wanaagsan ee ay shacabka Soomaaliyeed isu caawiyaan, oo isu garab istaagaan” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Dhinaca kale Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa dhankiisa ka hadalay 4-sano guuradii kasoo wareegatay qaraxii argagaxa badnaa ee 14-kii Ocboter 2017, oo ay ku shahiideen muwaadiniintii ugu badnaa ee mar qura kuwada dhintay gudaha Soomaaiya.

"Waxaan xusuusaneynaa una duceyneynaa walaaleheennii ku nafwaayay, kuwii ku dhaawacmay iyo kuwii ku hanti beelay.
Qaraxii bahalnimo ee 14-kii October waxa uu astaan u ahaa arxan darrida argagixisada Alshabaab ee aan u naxayn shacabka, kana been sheegaya diinta. Innagoo xusuusaneyna walaaleheennii ku waxyeelloobay weerarkaas waxshinimo, waa in aan isu kaashannaa in uusan nagu soo noqon xanuunkan oo kale, kana shaqeynaa nabadda iyo xoojinta dowladnimada" ayuu yiri Raysal wasaare Rooble.

Gabagabadii tirakoob la sameeyay ayaa lagu sheegay in ay qaraxii Soobe ku dhinteen in ka badan 500 oo ruux, isla markaana uu dhaawacyo kala duwan soo gaaray ku dhawaad 300 oo qof, islamarkaana lagu waayey ,dad gaaraya 54- oo ilaa haddda aan la ogeyn meel ay ku dambeeyeen raq iyo ruuxba.

Qaraxii Soobe oo ahaa kii ugu murugada badnaa ayaa waxaa marka laga soo tago khasaaraha nafeed ee soo gaaray dadka Soomaaliyeed waxaa ku burburay hanti lagu qiyaasay $6.3 Milyan oo isugu jirtay nuucyada adeegyada Ganacsiga, gawaarida iyo dhismayaal kale.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]