4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 14, 2021
Sannad guuradii 4-aad oo maanta laga joogo Qarixii dhimashada badnaa ee Soobe
 

Khamiis, October, 14, 2021 (HOL) - Sannad -guuradii afaraad ayay maanta ku beegan tahay markii uu dhacay qaraxii 14 -kii Oktoobar 2017, qaraxaas oo ahaa qarixii ugu dhimashada badnaa uguna burburka  badnaa ee ka dhaca Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho.

In ka badan 600 qof ayaa ku naftooda ku waayay, ka gadaal markii gaari xamuul ah oo lagasoo buuxiyay waxyaabaha qarxa uu ku qarxay isgoyska Soobe, oo ah is-goys aad u mashquul badan oo ay boqolaal shacab ah ku sugnaayeen.   

Dowladda Soomaaliya ayaa sannad kaste u sameysa baroordiiq lagu xasuusanayo dadkii ku geeriyooday iyo kuwii ku dhaawacmay qaraxaas oo saamayntiisa aad u ballaarnayd, welina ay jiraan dad aan ka bogsan raadadkii uu ka tagay.

Guud ahaan marka la isku daro dadka ay waxyeeladu kasoo gaartay qaraxa Soobe, waxay gaarayaan in ka badan kun qof.

Illaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxaas, laakiin dowladda Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigtay oo xukun dil ah ku riday shaqsiyaad katirsan kooxda Alshabaab oo qaraxaas ku lug lahaa.

Xubno horey uga tirsanaan jiray Alshabab oo kasoo goostay ayaa caddeeyay in qaraxaas ay ka dambeysay Alshabab, waxayna tilmaameen in kooxda dhexdeeda uu ka dhaliyay khilaaf aad u weyn, oo aan bannaanka u soo Bixin.

Si kasta ha ahaatee, qaraxa Soobe kadib, waxaa Muqdisho ka dhacay qaraxyo badan oo waaweyn, sida qarixii 28 ka December 2019 ee ka dhacay is-qoyska Ex-kantarool Afgooye, oo ay ku dhinteen in ka badan boqol qof.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online