4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 13, 2021
Raysal wasaarahii hore Cumar Cabdirashiid oo sheegay inuu Sheekh Shariif wax ka ogaa heshiiskii Badda ee MOU
 

Arbaco, October, 13, 2021 (HOL) - Raysal wasaarahii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa ka hadlay heshiiskii isfahamka ee MOU oo ay Xukuumaddiisii la gashay dowladda Kenya sanadkii 2009-kii ayaa sheegay in madaxweynahii xiligaas Sheekh Shariif Sheekh Axmed inuu wax ka ogaa heshiiskaasi.

War qoraal ah oo uu Sharmaake soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu ku sheegay in Sheekh Shariif uu wax ka ogaa heshiiska go'aankii lagu ogolaaday isfahamkii wax ka badalay kiiska dacwada badda ee lala gaaray dowladda Kenya sanadkii 2009-kii.

Waxuu intaasi ku daray Raysal wasaarahii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid in inkiraada Sheekh Shariif ay la mid tahay in Farmaajo uu mustaqbalka dambe inkiro inuu wax ka ogaa dhiibitii Qalbi Dhagax ee loo dhiibay dowladda Itoobiya.

Hadalkaan kasoo yeeray Cumar Cabdirashiid ayaa imaanaya xili madaxweynahii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka hadlaay guusha Soomaaliya kasoo hoysay kiiskii dacwada badda ee kala dhaxeeyay dowladda Kenya oo sheegay inuusan wax ka ogeyn heshiiskii isfaham ee MOU oo Xukuumaddii Cumar Cabdirashiid la gashay dowladda Kenya.

Sikastaba ha ahaatee Maxkamada ICJ ayaa shalay ku dhawaaqday xukunka dacwada badda ee u dhexeysay dowladaha Soomaaliya iyo Kenya iyadoo inta badan dhul badeedkii la isku haystay loo xukmiyay dowladda Soomaaliya.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]