4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 13, 2021
Xukuumada Somaliland oo amar kasoo saartay fadhiyada aan caadiga ahayn ee golayaasha deegaanka
 

Arbaco, October, 13, 2021 (HOL) - Wasaarada arrimaha gudaha ee Somaliland ayaa hakisay qabashada fadhiyada aan caadiga ahayn ee golayaasha deegaanada Somaliland, waxaana lagu eedeeyay in ay bilaabeen mooshino deg deg ah oo xilalka lagaga qaadayo mayarada.

"Iyagoo golayaasha deegaanka ee Somaliland ay shaqaynayeen muddo yar, ayaa hadana waxa soo baxday in galayaasha deegaanka qaarkood ay bilaabeen in ay si fowdo ah u abaabulaan mooshin lagu qabanayo kalfadhi aan caadi ahayn" ayaa lagu yidhi qoraal kasoo baxay wasaarada arrimaha gudaha.

Amarka wasaarada arrimaha gudaha ayaa soo baxay xili qaar kamid ah xubnaha golaha deegaanka ee degmada Gabilay, ay abaabulayaan mooshin lagu doonayo in xilka lagaga qaado duqa magaalada Gabilay, kadib, markii ay ku eedeeyeen musuq maasuq.

Hoos ka akhriso amarka wasaarada:-


Abdilahi Abdirahman Mohamed, Hiiraan Online
[email protected]