4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 13, 2021
Madaxweyne Kenyatta oo ka hadlay Xukunka ICJ ee Kenya Kiiska Badda Soomaaliya
 

Arbaco, October, 13, 2021 (HOL) - Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa rajo xumo ka muujiyay xukun ay maxkamadda caalamiga ah ee ICJ ka soo saartay muranka badda ee u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya.

Xukunka la soo saaray Talaadadii shalay, ayay maxkamadda ICJ waxay siisay Soomaaliya inay maamusho inta badan dhul baddeedkii ay dowladda Kenya haysatay.

Madaxweyne Kenyatta ayaa sheegay in Kenya ay ka go’an tahay inay xal diblomaasiyadeed ka gaarto ismari waaga muranka badda iyada oo adeegsanaysa hay’addaha Midowga Afrika sida Barnaamijka Xuduudaha Midowga Afrika.

Madaxweynaha Kenya ayaa caddeeyay in Kenya aysan la yaabin go’aanka maxkamadda, isagoo caddeeyay, si kastaba ha ahaatee, in Nairobi aysan aqbali doonin ama u hoggaansami doonin xukunka ay soo saartay maxkamadda fadhigeedu yahay Hague.

“Inkastoo Kenya aysan la yaabin go’aanka, haddana waxay aad uga walaacsan tahay soo dejinta go’aanka iyo saamaynta uu ku yeelan karo gobolka Geeska Afrika, iyo guud ahaan sharciga caalamiga ah. Bilowgii, Kenya waxay rabtaa inay muujiso inay diidey gebi ahaanba oo aysan aqoonsanayn wixii ka soo baxay go'aanka, ”ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay madaxtooyada Kenya.

Madaxweynaha Kenya ayaa ugu dambayn ugu baaqay beesha caalamka inay abuurto jawi awood u leh raadinta heshiis wada hadal oo dhexmara Kenya iyo Soomaaliya, isagoo tilmaamay in labada dowladdood ay leeyihiin xuduud, iyo bulshooyin wadaaga dhaqano bulsho, dhaqan iyo diimeed.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online