10/22/2021
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 12, 2021
Dowladda Soomaaliya oo mar kale diiday qorshe wax looga beddelayo howlgalka AMISOM
 

Talaado, October, 12, 2021 (HOL) - Bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya, ayaa lagu diiday hindisaha hawlgalka wadajirka ah ee Qaramada Midoobay iyo midowga Afrika ee la doonayo in laga hirgaliyo Soomaaliya sannadka soo socda 2022.

Qorshahan ayaa sheegaya in wixii ka dambeeya 2021 howlgalka AMISOM lagu wareejiyo Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay oo wadajir ah, taasoo ka dhigan in Soomaaliya la geeyo ciidamo isku dhaf ah oo ka socda Qaramada Midooba iyo midowga Afrika.

Dowladda Soomaaliya waxay sheegtay in ay muhiimtahay in la xaq-dhowro madax-bannaanideeda  iyo qaraarka Qaramada Midoobey ee soo baxay 2021, qaraarkaas oo tilmaamaya dib u habeynta ciiddamada AMISOM iyo in ciidamada Soomaaliya ay amniga ay mas’uuliyadda dalka kala wareegaan AMISOM.

Maalintii shalay ayay ahayd markii guddiga amniga golaha midowga Afrika uu meel mariyay qorshahan, waxaana la filayaa in la horgeeyo golaha amaanka 31ka Bishan October 2021.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online












Click here
10/12/2021 6:11 PM EST
Talaado, October, 12, 2021 (HOL) - Gudida doorashooyinka Itoobiya ayaa war saxaafadeed ay soo saareen ku shaaciyay natiijada rasmiga ee doorashadii dhawaan ka dhacday dawlad degaanka Soomaalida.

10/12/2021 2:03 PM EST
Talaado, October, 12, 2021 (HOL) - Madaxweynaha dowladda federalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa caawa jeediyey khudbad ku saabsan guusha taariikhiga ah ee go'aanka Kiiska Badda Soomaaliya.

10/12/2021 10:37 AM EST
Talaado, October, 12, 2021 (HOL) - Maxkamada Cadaaladda Aduunka ee ICJ ayaa goordhaw si rasmi ah ugu xukmisay dalka Soomaaliya lahaanshaha dhul badeed ay dowladda Kenya murum galisay.

10/12/2021 10:33 AM EST
Talaado, October, 12, 2021 (HOL) - Xaliimo Aw Cumar Faarax (Xaliimo Biritish) oo kamid ah qurbajooga Somaliland, ayaa lacag dhan $20,000 oo ay xalay balan qaaday ku wareejisay xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun, kadib, markii wasiirka gargaarka ee Soomaaliya Khadiija Maxamed Diiriye ay kala noqotay lacag ay hore ugu balan qaaday Batuun, si uu baabuur u siisto.

10/12/2021 7:56 AM EST
Talaado, October, 12, 2021 (HOL) - Wararka ka imaanaya degmada Deyniile ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in qarax miino nooca dhulka lagu aaso ah lagu khaarajiyay Taliyahii Nabadsugida degmada Deyniile Cabdishakuur Raage xili oo ku sugnaa duuleedka degmadaasi.

10/12/2021 5:26 AM EST
Talaado, October, 12, 2021 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa maanta rajo aad u weyn ka muujinaysa in ay ku guulaysan doonto dacwadda kiiska badda oo galabta lagu wado in maxkamadda ICJ ay si rasmi ah ugu dhawaaqdo, sida uu qorshuhu yahay.

10/12/2021 4:03 AM EST
Talaado, October, 12, 2021 (HOL) - Hal askari oo katirsan ciiddanka Puntland ayaa ku dhintay, dhowr kalena way ku dhaacmeen iska hor imaad xalay ka dhacay magaalada Garowe, oo dhexmaray ciiddanka amniga iyo rag ka ganacsada maandooriyaha.

10/12/2021 3:27 AM EST
Talaado, October, 12, 2021 (HOL) - Sheekh Maxamed Ibraahim Shakuul oo kamid ah culimada Soomaaliyeed ee dalka Kenya, kana mid ah xubnaha guddiga ganacsatada ee Xaafadda Islii ayaa ka digay in mudaharaadyo iska soo horjeeda ay ka dhacaan xaafadda Soomaalida ee islii, kadib Go'aanka dhinaca badda ee la filayo inuu maanta kasoo baxo Maxkmadda Cadaaladda Aduunka ee ICJ.

10/12/2021 2:42 AM EST
Talaado, October, 12, 2021 (HOL) - Kooxo hubeysan oo burcad Koofur Afrikaan ah ayaa Xalay muwaadin Soomaaliyeed ku dilay goobtiisa ganacsi oo ku tiilay magaalada Quenstown ee gobolka Eastern Cape ee dalkaasi Koofur Afrika.

10/12/2021 1:33 AM EST
Talaado, October, 12, 2021 (HOL) - Waxaa maanta oo Talaado ah lagu wadaa in Maxkamada Cadaaladda Aduunka ee ICJ iney ku dhawaaqdo go'aanka kiiska dacwada Badda ee u dhaxeeysay dowladaha Soomaaliya iyo Kenya.