4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 12, 2021
Dowladda Soomaaliya oo mar kale diiday qorshe wax looga beddelayo howlgalka AMISOM
 

Talaado, October, 12, 2021 (HOL) - Bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya, ayaa lagu diiday hindisaha hawlgalka wadajirka ah ee Qaramada Midoobay iyo midowga Afrika ee la doonayo in laga hirgaliyo Soomaaliya sannadka soo socda 2022.

Qorshahan ayaa sheegaya in wixii ka dambeeya 2021 howlgalka AMISOM lagu wareejiyo Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay oo wadajir ah, taasoo ka dhigan in Soomaaliya la geeyo ciidamo isku dhaf ah oo ka socda Qaramada Midooba iyo midowga Afrika.

Dowladda Soomaaliya waxay sheegtay in ay muhiimtahay in la xaq-dhowro madax-bannaanideeda  iyo qaraarka Qaramada Midoobey ee soo baxay 2021, qaraarkaas oo tilmaamaya dib u habeynta ciiddamada AMISOM iyo in ciidamada Soomaaliya ay amniga ay mas’uuliyadda dalka kala wareegaan AMISOM.

Maalintii shalay ayay ahayd markii guddiga amniga golaha midowga Afrika uu meel mariyay qorshahan, waxaana la filayaa in la horgeeyo golaha amaanka 31ka Bishan October 2021.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online