4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 12, 2021
Maxkamada ICJ oo Maanta ku dhawaaqeysa Natiijada Kiiska Dacwada Badda ee dowladdaha Soomaaliya iyo Kenya
 

Talaado, October, 12, 2021 (HOL) - Waxaa maanta oo Talaado ah lagu wadaa in Maxkamada Cadaaladda Aduunka ee ICJ iney ku dhawaaqdo go'aanka kiiska dacwada Badda ee u dhaxeeysay dowladaha Soomaaliya iyo Kenya.

Kiiska ay murunka ku galisay Badda Soomaaliya dowladda Kenya ayaa soo bilawday sanadkii 2014 xiligaas oo dowlada Soomaaliya ay kiiska dacwada Badda ay geysay Maxkamada ICJ, kaasoo soo jiitamaayay muddo 7 sano ah.

Dowladda Kenya ayaa maalmo ka hor waxay shaacisay ineysan aqbali doonin go'aanka kasoo baxa Maxakamada Cadaaladda Aduunka ee ICJ.

Maxkamadda ICJ waxay shalay si rasmi ah u shaacisay in maanta oo Talaada ah ay go’aan ka gaari doonto Kiiska Badda, isla markaana ku dhawaaqi doono saacadu marka ay tahay 3:00 Galabnimo, waxaana Xarunta Maxkamadda ICJ ee Magaalada Hagea ku sugan Wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya ee uu hoggaaminayo Raysal wasaare ku xigeenka dalka Mahadi Maxamed Guuleed.

Masuuliyiinta ka socota dowladda Soomaaliya ee ku sugan magaalada Hagea waxay sheegeen iney rajo aad u wanaagsan ka qabaan in dowladda Soomaaliya ay ku guuleysan doonto xukunka maanta la sugaayo.

Madaxda Dowladda Soomaaliya, Madaxdii ka horreeysay oo kiiskaan dacwadda Badda gudbiyay iyo Shacabka Soomaaliyeed ayaa il gaar ah kuwada eegaya go’aanka ay ku dhawaaqi doonto Maxkamadda ICJ, iyadoona lagu rajo weyn yahay in Soomaaliya loo xukmiyo inay Biyaha lagu mursan yahay ay leedahay.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]