4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 10, 2021
Ganacsade Soomaaliyeed oo caan ka ahaa dalka Koofur Afrika oo la dilay
 

Axad, October, 10, 2021 (HOL) - Burcad hubeysan oo Koofur Afrikaan ah ayaa xalay magaalada East London ee dalkaasi Koofur Afrika waxay ku dileen muwaadin Soomaaliyeed oo ka mid ahaa waxgaradka sida weyn uga dhex muuqday Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalkaasi.

Ganacsadahaan oo ahaa Odey Soomaaliyeed ayaa lagu magacaabi jiray Maxamed Ismaaciil Kiish, waxaana burcada ay ku dhex dileen goobtiisa ganacsi.

Burcada ayaa dilka kadib waxay qaateen dhamaan waxii hanti ahaa ee dukaanka dhex yiilay, iyagoona jebiyay kaamero CCTV oo ku xirneyd dukaanka si aanan loo aqoonsan.

Ciidamada Booliska Koonfur Afrika ayaa tagay goobta dilka ka dhacay markii ay burcada isaga baxsadeen sida caadada u aheydna waxay sameeyeen baaritaano aan wax natiijo ah aan kasoo bixin, iyagoona markii dambe halkaas isaga tagay.

Allaha u naxariistee Marxuum Maxamed Ismaaciil Kiish ayaa waxaa uu muddo dheer ku noolaa Gobolka Eastern Cape oo ka mid ah gobolada ay Soomaalida aadka u degan tahay, islamarkaana ay ku leeyihiin ganacsiyo xoogan.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]