4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 10, 2021
Hay'adda NISA oo lagu eedeeyay in ay baabi'isay caddeymihii kiiska Ikraan Tahliil
 

Axad, October, 10, 2021 (HOL) - Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi oo katirsan barlamaanka dowladda federalka Soomaaliya ee waqtigiisu dhamaaday, ayaa ku eedeysay hay’adda  NISA in ay baabi’isay dhammaan caddeymihii suurtoo galin lahaa in wax laga ogaado cidda ku lug lahayd kiiska Ikraan Tahliil.

Xildhibaan Aamino oo katirsan ehelada Ikran Tahliil,  waxay sheegtay guddigii loo xilsaaray baaritanka kiiskan, in hay’adda NISA ay u diiday in ay wareysiyo la yeeshaan dadka lagu tuhmayo in ay ku lug leeyihiin kiiska Ikraan iyo in guddigu baaritaan ka sameeyo goobtii laga qafaashay.

“Maxkamadda iyo xeer ilaalintu waxay noo caddeeyeen in kiiskan ay ku geedaaman yihiin caqabado badan oo aysan suurtagal ahayn in si sax ah loo baaro kiiska, meelna uu ku dhamaado, iyagoo sabab uga dhigaya in loo diiday in ay galaan xaruntii NISA, ama meeshii dhibku ka dhacay, si loo helo xogo sax ah,” ayay tiri xildhibaan Aamino.

Xildhibaannada waxay sheegtay arrimahan oo idil in uu mas'uul ka yahay, taliyaha cusub ee NISA ee uu madaxweyne Farmaajo magacaabay, Yaasiin Faray, kaasoo ay sheegtay in uusan marna doonayn in kiiska wax laga ogaado.



Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online